24 July 2017: Afar Maxbuus ayaa la sheegay in lagu toogtay meel ku dhow xarunta Saldhiga Booliiska ee Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo. Maxaabiistan oo lagu tuhunsana inay xiriir la leeyihiin ururka argagixisadda Al-shabaab ayey ciidanka amaanku soo qabteen kadina u gudbiyeen saldhiga degmadda Beled-Xaawo si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo. Wararka laga helayo Gobolka GedO ayaa sheegaya in Ciidamada dowladu raggaasi kala baxeen xabsiga dhexe ee degmada Beled-Xaawo kadibna ku toogtay meel fagaare ah o ku taal bartamaha Degmadda. Si kastaba ha ahaate, majiraan war ay soo saareen saraakisha Degmada oo ku aadan dilka AFartani Ruux ee ay xabsiga dhigeen ciidamada dowladdu. Majirin maxakd lasoo taagay eedeysaneyaasha ama go,aan ay maxkamadi ka gaartay xukunkooda. Dadka deegaanka ayaa sheegay in raggani ay ku luglahaayeen dil loo geestay askar dowladda ah oo howgal ka dhan ah Al-shabaab kawaday afaafka hore ee degmada. Dilal aan maxkamadi amrin ayaa laga so sheegaya in geystaan ciidmada dowladu si joogto gobolada Gedo iyo Jubada dhexe, kadib markii Ciidamadu dowladdu ay bilaabeyn inay ka saaraan Al-shabaab magaaloyinka ay ku suganyihiin. 26-kii July Wasiirka amaanka Jubbaland Mohamed Abdi Kaliil ayaa si kulul u cambaareyey Dilka khaladka ah ee lagula kacay afarta ruux eek a dhacay Gobolka gedo magalaadiisa Beled-Xaawo. Wasiirka ayaa sheegay in lasoo xiray dadkii ka dambeeyey falkaasi oo ay ka mid yihiin Godoomiyaa Degmada, ku xigeenkiisa arrimaha Bulshada, Askar iyo madaxa Amniga degmada iyado la xariirinayo dilka dadkaasi.
“Waa fal laga xumaado waana cambaareyneynaa, waxaana la xisaabtami doona saraakiisha ka dambeyey falkani ama kuwii amray falka lagu dilay dadka loo shakisna inay xariir la lahaayeen Al-shabaab iyadoon maxkamadi xukmin,” ayuu yiri Kaliil. Dakda la xiray ayaa lagu waramayaa in lagu xiray saldhig ku yaala degmada Doolowkaasi oo xaduud la leh Kenya Habeenkii Tallaadada, waxaana la filaya in lasoo hortaago maxkad iyado loo heesto dil. (Xigasho: Garowe Online)