15 January 2020 Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa waxay faah faahin ka bixisay lixdii nin ee saaka lagu toogtay fagaaraha Mandhera ee duleedka Magaalada Berbera.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland ayaa lagu sheegay in raggaasi loo qisaasay lix nin oo siyaabo kala duwan ay u dileen.

Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland ayaa u qornaa:-

Iyadoo la fulinayo amarka Maxkamadda Sare, waxaa saaka oo ay tahay bishu 15/01/2020 saacaddu markay ahayd 7:45 daqiiqo, waxaa dil toogasho ah lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaashan hoos ku xusan.

1: Gacan ku dhiigle Axmad Ibraahim Faarax, Ina Aamina Maxamed, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay EX-ASK-pol marxuun Maxamed Cabdi Saleebaan.
2: Gacan ku dhiigle Xasan Muxumad Cismaan Ina Shukri Yuusuf, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ismaaciil Faarax Maxamad.
3: Gacan kudhiigle Khadar Aleel Xirsi, Ina Maryan Cumar, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Siyaad Cabdi Muxumad .

4: Gacan ku dhiigle Farxaan Maxamad Xasan, Ina Khadiija Khaliil, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Ibraahim Axmad Muuse.
5: Gacan ku dhiigle Caydaruus Khadar Haybe, ina Shahmaad Careef, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Idiris Daa’uud Jaamac .
6: Gacan ku dhiigle CabdiLlaahi Ismaaciil Xayd, Ina Faadumo Cali, kaa soo loo qisaasay dilkii uu u gaystay marxuun Garaad Aadan Maxamed.

 

Somaliland oo faah faahisay 6-dii nin ee dilka lagu fuliyay