Mashruuca

MASHRUUCA

Hands off Cain, the Arab Institute for Human Rights, the Arab Organization for Human Rights iyo Somali Women Agenda ayaa fulinayaan mashruucani si wada jir ah, oo ay tahay ujeedadiisa guud si loo xakameeyo dilka toogashada/ama loo sameeyo si waafaqsan sharciyada caalamiga ah iyo xilka ka saaran dowlada in ay ilaaliso sharciyadaas. Sido kale waxaa uu mashruucani barayaa in dadka loo so bandhigo qaab kale sida in la hakiyo dilka toogashada maadama lagu jiro xili ay socoto “Dagaalka Argigixiso La Dirirka” dalalka kala ah Masar, Soomaaliya iyo Tuunisiya. Xiliyadii ugu dambeeyay dalalkani waxaa lagu tuntay gaar ahaan ilaalinta Xuquuqul Insaanka iyadoo lafulinaayo ciqaabta dilka toogashada dadka lagu soo eedayay falalka argagaxisinimo ayagoona loo firineynin in ay waafaqsantahay shuruucda caalamiga ah. Sidaas darteed mashruucani waxaa uu dadka Soomaaliyeed ka caawindonaa si loo xadidido ama loo yareeyo dilaka toogashada ee micno la’aantahay isla markaas na ay eedeysanayaasha u helaan xaquuqdooda.

Habka loo fulinayo mashruucan waxaa uu mudnaanta siindoonaa dhamaan dadka ay quseyso arintada iyadoo loomarayo wada hadal, wada tashi, isaaminad loo abuuro dadka Soomaaliyeed(Kooxaha loogu tala galay, ka faa’ideystayaasha, iyo Madaxda), iyo ilaalinta xuquuqul insaanka. Waxaa sido kale mashruucani fiirin donaa sidii loo baabi’in lahaa dilka toogashada iyadoo la ilaalinayoo xuquuqda bini’aadamka: In loo helo wax dhexdhexaadiya dadka aaminsan in sharciga dilka toogashada jiro iyo kuwa aaminsan in wax laga badalo ee Soomaaliya taasi oo dad badbadin karta. Habka guued ee loo fulin doono mashruucani waxaa uu ahaandonaa mid faahfaasan oo ay kamid tahay in lagu sameyo falanqeyn ku saabsan noocyo badan ee dilka toogashada. Sida tiro koob ku aadan rida dadka lagu xukumay dil toogosho ah, inta la dilay, iwm. Dhanka sharciga; in laga hadloo qodobada dastuurka, iyo sharcidajinta , heerarka caalamiga ah: Arimaha siyaasada, bulshada: xaalada dhaqaale ee dadka lagu xukumay dilka; diinta, caadada iyo dhaqanka. Iyo ilaalinta sharciyada.

Ujeedada Gaarka ah ee mashruuca; 1) Ilaalinta iyo aruurinta dilalka toogashada in ay yihiin kuwo waafaqsan herarka caalamiga ah iyadoo loo tixraacayo: in uu helo qofka maxkamad cadaalad ah, sida ‘dambiyada ugu waaweyn’ sida loola dhaqmo dhalinyada dambiga gasho, in la takooro haweenka, dadka naafada ah, inta ay maxkamada in uu helo qofka waqti ku filan, in la tixgaliyo cabashada edeysanaha ama ha ahaado qof dil ku xukuman ama si qarsoodi ah; 2) In wacyi galin loo sameyo ku aadan fahanka sharciyada caalamiga ah iyo waajibaadka ka saaran dowlada ilaalinta sharciyada dilalka toogashada iyo in la hormariyo fahanka kooxaha sida(garsoorka, qareenada difaaco dambilayaasha, sharci dajiyeyaasha, hogaamiye diimeedyada, odayaasha qabiilada, iyo CSOs-urudada bulshada) iyo sidii loo homarin lahaa hay’aadaha dowlada sidii ay wax oga qaban lahayeen kesaska si cadaalan ah iyo dhaxdhaxaadnimo ah; 3) In la taageero dib u eegis sharciyada dilkaa, cusboneysiin, ama la xadido dadka lagu xukumaayo dilka toogashada, iyo in la hormarsiiyo ilaalinta xuquuqul insaanka dalalka uu mashruucani ka hirgalayo.

Natiijada laga filayo mashruuca: a) in kor laagu qaado wacyigalinta dadweynaha si ay uhelaan warbixin sugan oo ku aadan faa’idada iyo qasaalaha dilka toogashada; b) in hor loogu qaado aqoonta kooxaha quseysa mashruucani fahanka ku aadan heerarka caalamiga ah iyo waajibaadka dowlada ka saaran in la badalo sharciyada ciqaabta dilka; c) in kor looqaado tirada maxaabiista xiran fahan kooda ku adaan dilka toogashada iyo xuquuqdooda iyo sidii ay cadaalad ku heli lahayeen; in kor looqaado tirada maxaabiista laga caawin karo dhanka sharciga; in kor loo qaado tirada kaseska loo gudbinaayo heer qaran, gobal iyo caalamiba ah si ay u helaan cadaalad.

Daneyayaasha muhiimka ah: hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka ah ay ka sheqeya sdii kor lagu qaadi lahaa ilaalinta xuquuqul insaanka. UN, EU iyo uruka ilaalinta xuuuqda dadka ee Midowga Afrika ayaa balan ku qaaday in ay badalidoonaan sharciga susaabsab dilka toogashada ama ay u hormariyaan ilaalinta xuquuqda edeysanayaan si ay u helaan cadaalad. Dadka daneya waxaa kamid ah dadka rabo in la hormariyo shariga dilka toogashada, iyo ururdada difaaca xuquuqul insaanka;  dadka ku xukuman dilka toogashada; dadka ay ka soo go’do go’aanka; kooxaha diimaha(kuwa taageersan am aka soo horjeda); qareenada u tababaran difaacida dadka, xaakimka maxkamada sare; dadka ra’yika sameyo. Uruka The African Working Group waa uu ka warqabaa dilalka toogashada waxaa ayna sameyeen waxyaabo badan oo lagu horumarinaayo iyo sidii loo tageeri laha in laga caawiyo ururada ka shaqeeya dilka si loo siiyo tababaro iwm. Howshani waxaa lagu qabandoonaa mudan dhan 36 bilood.