Falsafad

FALSAFAD

Hay’adaha partners ka ku ah mashruucana waxaa ay si wada jir ah ola shaqeyndoonaan dhamaan dadka daneya sida heer gobal, qaran iyo caalami ba ah iyo dalalka ay quseyso mashruucani si loo soortagaliyo si buuxdo in laga hirgaliyo sharciga iyo heerarka xuquuqul insaanka caalamiga ah.

Ujeedada ugu weyn ee degdegtahay ee laga rabo in uu fuliyo mashruuca ma ahan oo kaliya in ay wax ka badasho dilka toogashada si degdeg ah ee waxaa ay tahay in wax laga badalo ayadoo dhamaan laga qeyb galinaayo waxa tashi, daahfurnaan, wada hadal loo dhanyahay iyo in la dhisi isku xirnaansho bulshadeed taas oo wax ka qaban karta arimaha argagixisonimo iyo dambiyada la xiriirta looga na wada hadlo si furan, in uu mashruuca kor u qaado wacyi galinta ku saabsan ka hortaga argagixiso iyo ilaalinta shuruucda caalimha ah ee ilaalinta xuquuqul insaanka: wacyigalinta waxaa la siindoonaa Madaxda dowlada, Xildhibaanada, Garsoorayaasha, Madaxda ciidamada asluubta iyo shaqaalahooda, udey dhaqameedyada iyo culumada, ururdada bulshada, qoysaska dhibamayaasha, qoysaska edeysanayaasha, iyo maxaabista.

Mashruucani waxaa uu wax lataaban karo ka qabandoona sidii korloogu qaadi lahaa fulinta shariciyada ilaalinta xuquuqul insaanka iyo caadooyinga sidii si fiican loogu dhardhargalin lahaa arima quseeya dilka toogashada, sidii wax looga badililaha ama loo cusbooneysiin lahaa sharciyada dilka toogashada si eedeysanayaasha ay u helaan maxkamad cadaalad ah iyo xabsi ilaaliya xuquuqda edeysanayaasha. Ujeedada waxaa ay tahay:

Waxaa si gaar ah muhiimada loo siinaya sida dhaqan oo ay Soomaalida ku xaliyaan marka ay dhacdo dhibaatooyin sidan oo kala ah, kuwaas u u xaliya si ku haboon.

Sido kala wadamada mashruucani laga qaban doono waxaa ay kala faa’ideysandoona qibrada fiican ay ku xaliyaan dhibaatooyinkaan oo kale.