7 dicembre 2019 Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Hey’adda dambi  baarista Boliiska CID  ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska  weydiistay Maxkamadda  15-ka bishii  Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxay Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka marxuum Istar Axmed Cabdulle iyo dhaawaca dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay  eedda loo  heysto ee  ah dilka  iyo dhaawaca  ay u geysteen gabdho walaalo ah oo  Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in  ay si wada jir ah xabadaha u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda la hor taagnaa.

Ugu danbeytii Maxkamadda ayaa dable boolis Xasan Xuseen Maxamed ku Xukuntay dil toogasho ah, halka dable Xasan Muuse Warsame ay ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah iyo Magta ruuxa dhintay.

 

https://somsoon.so/maxkamadda-ciidamada-oo-xukun-ku-riday-askar-dil-ka-geysatay-muqdisho/