Xaaladda ama sida ay wax u dhaceen

XAALADDA AMA SIDA AY WAX U DHACEEN

Ilaa xiliyadii 2000ka, aduunka waxaa uu so maray caqabado ka dhanka ah argagixiso taas oo wiiqday nabada, amniga, horumar waara, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo ku dhaqanka sharciga. Ma jiro dal ama gobal ilaaliyay arimahan aan so xusnay.

Madama uu aduunka ku shuro dhibaatooyinka aan kor ku so xusnay, waxaa badatay in la sameeyo sharciyo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa argagixisada taasi oo kordhisay dilka lagu xukumo dadka lagu soo eedeyo in ay geystaan dambiyadaas waxaa ay siibadisay intii uu ahaan jiray kabadan in dad lagu xukumo dil toogasho.

Hadii ay jirto in wadan uu ku soo rogo wadanka xaalad degdeg ah mid sharci ah ama mid aan sharciyeesneyn, hadda hadii aytahay mid sharciyeesan waa in laga shaqeeyaa sidii loo so afshari lahaa iyo cadaalad darada taas oo keeni karto qalqal siyaasadeed or marka lakala wareejinaayo xilka in aan si fiican u dhicin, hadii xataa ay dowlada ku soo rogto wadanka xaalad degdeg ah waa in ay dowlada ka fowjignaataa in ay ku xadgudubto in ay sharciga jabiso ayna ku xagudubto sharciyada caalamiga ah ee aduunka isku raacay iyo dalsuurka dalka.

Inkasto aan la aqbali karin falaka argagixiso hadana waa in la yareeyaa wax yaabaha ay sababto lana helaa sidii si sax ah lagu helilahaa xal ku haboon oo laga hortago falalkaas. Anagoo firineyno mashruucan waxaa ay tahay ujeedadiisa in layareeyo qataraha ka imaankara dilka toogashada aan cadaalad u dhicin ama qofka oo lagu xadgudbo xuquuqdiisa bini’aadanimo waxaa ay keeni karta sharci darro, cadaalad la’aan iyo kala sooc. Ayadoo laga hortagaayo falalka argagixisonimo isla markaana waa in la ilaaliyaa xuquuqul insaanka.