Ururka Hormarinta Haweenka Soomaaliyeed

Ururka Hormarinta Haweenka Soomaaliyeed, the Somali Women Agenda SWA waxa loo asaasay dhaq dhaqaaqa dumarka caalmaka, waxaana ka mid ah dumarka somaaliyeed kuwa wadanka kunool iyo kuwa qurbaha, inta badan waxay diirada saarta in ay dumarka ka qeybqataan go’aan gaarista. SWA waxaa la asaasay sanadii 2004. Waxaa si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 2007 waxaana ka qeybqaatay 22 urur. Waxay la xiriirta IIDA ( Ururka horumarinta haweenka) waxay fiiro gaar ah siisaa baahida ah in la yareeyo booska bulshada ee hawenka iyo in la xoojiyo wax ka qabashada arimaha saameenaya haweenka iyo gabdhaha yaryar. Iyada oo loo marayo awood, ololeyn iyo isku xirid. Waxay donaysa hormarinta haweenka in ay ka qeyb qaataan hababka go’aan gaarista. Iyo dadaal lagu doonayo saamaynta isbadal siyaasadeed iyo la xisaabtan.

SWA waxa ay iskaashi lasameysa maamulo leh heerar kala duwan: baarlamaanka federalka Somaaliyeed (kaasoo so bandhigay sharciyada guddiga xuquuqda aadanaha), Wasaarada haweenka iyo HR, iyo caddaalad ( taasoo ka qeybqaadatay asaaska barnaamijyada shaqaalaha garsoorka).

Sanadihii lasoo dhaafay, kor uqaadista sharcigga waxa ay ahayd mid wax tar leh, awoodna uleh dib udhisida doodaha matalaada jinsiga, doorashada iyo dooda xisbiyadda siyaasadeed, taasoo u hor seeday ururada haweenka in ay ka mid noqdaan dastuurka, waxaana ka mid ah ballantii 30% jagooyinka doorashada, taasoo wali hirgalin odayaal dhaqameed awgeed. SWA waxa ay sidoo kale midayn jirtay dhaqdhaqaaqa haweenka somaaliyeed si ay ugu hadlaan hal cod. Waxa ay sidoo kale fulisay cilmi baaris ku saabsan dhibaatada heesata haweenka ka dhashay dadka laga tirada badanyahay iyadoo xoojinaysa awoodooda si ay ugu dagaalamaan xaqooda.

Hadda waxa ay u gorgortamaysa in la xulo matalaad ku filan iyo magacaabid jago. SWA iyo wasaaradda caddaaladda ayaa kawada hadlay ogaadayna sida ay diyaar ugu yihiin dhawritaanka xuquuqda biniaadanka markii lagu guda jiray tijaabooyinka iyo sida lagu hor marin laha xaalada dadka xabsiga ku jira. Xeer-ilaaliyaasha waxa ay qaadanaayeen taba bar waxa ay markii ugu horeeseysay heleen labo xeer-ilaaliye oo haween ah waxaa mahad iska leh xeer-ilaaliyaha guud.