Sharciyadda Caalamiga

SIYAASADAHA SHARCIGA AH
Ciqaabta dilka iyo Qawaaniinta caalamiga ah
Isbeddelka caalamiga ah ee ku saabsan joojinta Dilka toogashada ee socda muddo ka badan shan iyo toban sano, ayaa markale la xaqiijiyay sannadka 2016 iyo lixda bilood ee ugu horreeya sannadka 2017.
Hadda waxaa jira 160 waddan iyo dhulal kala duwan, waxay go’aansadeen in ay ka noqdaan ciqaabta dilka. Kuwaas oo dhan: 105 waa gebi ahaanba ka saaray Sharciga wadankooda; 6 waxay yihiin kuwo Dambiyadda caadiga ah ka saaray ciqaabta Dilka; 6 waxay leeyihiin miisaaniyad ku saabsan dilalka iyo 43 Wadamo aan fulin xukun dil muddo dheer (sida wadamada aan fulin wax dil ah ugu yaraan 10 sano ama waddan oo leh waajibaad waajib ah oo aan adeegsanayn ciqaabta dilka).
Wadamada ay ku dambeeso ciqaabta dilka adduunka ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay: marka la gaaro 2017, laga bilaabo 30ka Juun, waxaa jiray 38 wadan oo weli fuliya xukunka dilka, marka la barbar dhigo 54 sanadkii 2005.
Isbedelkan ayaa waxaa ka soo baxay go’aankii Golaha Guud ee QM ee ku saabsan ciqaabta dilka, oo la ansixiyay markii ugu horreysay 2007, mar labaad 2008-dii, kadibna la daabacay labadii sanaba mar. Oggolaanshaha ugu dambeeyay wuxuu ahaa 18-kii Diseembar, 2016-ka “in maanka lagu hayo Joojinta isticmaalka ciqaabta dilka ayaa ka dhigaysa ixtiraamka sharafta bani’aadamka iyo kor u qaadka Qiyamka dadka iyo horumarka xuquuqda aadanaha, oo ka fikiraya in aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya qiimaha ay leedahay ciqaabta dilka”.
Ergeyga Gaarka ah ee QM ee ku saabsan jirdilka iyo ciqaabta arxan darrada ah, tan bini’aadanimada ka baxsan iyo ciqaabta kale (UNSR) ee 2012-kii ayaa sheegay in ay socdaan nidaamyo lagu mamnuucaysa ciqaabta dilka dhammaan duruufa kasta oo jira (1)
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira saddex mabaadi oo caalami ah oo aan la jebin karin oo ku saabsan xukunka ciqaabta Dilka ee dhammaan duruufaha, sidoo kale marka ay jiraan xaalado degdeg ah iyo sharciga la-dagaallanka argagixisada.
Mabda’a ugu horeya ee aan la burin Karin waa Sharcinimadda, oo lagu daray Bayaanka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (farqadiisa 11), ugu dambeyn lagu qeexay ICCPR (farqadiisa 15) wuxuu dhigayaa in sharciyada ciqaabta argagixisada ay tahay in la helo, takoorid la’aan, dib dib-u-noqosho dambe hore qofkaasi laga xukumay iyo inuu u dhaco si waafaqsan sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga xuquuqda aadanaha.
Mabda’a Labaad Caalamiga ee aan la burin Karin waxa uu ka hadlaaa Marinka “Dambiyada cul culus” kaasi oo lagu qeexay ICPR kaasi oo Farqada 6(2), ku sheegaya “Dambiyada cul culus” kaasi oo uu ku qeexay ergayga QM u qaabilsan dilalka sharci darrada iyo toogashooyinka aan sababta laheyn (UNSR Execution) iyo xoghayaha guud ee QM waxay ku macnayeen in dilka toogashada la isticmaali karo kaliya Dambiya “Dilka kaska cad ah”
Mabd’a sadexaad Caalamiga ee aan la Burin Karin Maxkamad Cadaalad ah waxaa lagu qeexay ICCPR (qodobkiisa 14) iyo ACHPR (Qodobkiisa 7) taas oo aqoonsan xaqa helidda maxkamad cadaalad ah, oo ay fasirtay Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee QM (UN Human Rights Committee) inta lagu jiro Xaalad Degdeg ah, 31 Ogoosto 2001, CCPR / C / 21 / Rev.1 / Add.11) oo ay la socdaan xadgudubyada UNSR oo tilmaamaya, in haddii nidaamyada garsoorka dembiyada aanay awood u lahayn inay ixtiraamaan helidda Garsoor cadaalad ah, si looga fogaado dilka dadka aan waxba galabsan, Dawladaha waa in ay ku soo rogaan joojin ku saabsan ciqaabta dilka dhamaan dambiyada (UNSR Executions, Philip Alston, 20 Maajo 2010, A / HRC / 14/24, Para 51 (a)).
Garsoor cadaalad ahi: waxa uu damaanad qaadayaa sinnaanta maxkamadaha; dhageysi caddaalad ah oo dadwaynaha ah oo ay soo saaraan guddi karti leh, madax bannaan oo dhexdhexaad ah oo uu sharcigu dejiyey; ka dhigidda inuusan qofku dambi lahayn ilaa cadeyn la helo; in helo xaquuqda asaasiga ah ee qofku leeyahay inta agu guda jiro dacwad dambiyeedka; in la helo maxkamad sare oo dib u eegta xukunka.
Sharciyada guud ee lagu hirgelinayo tallaabooyinka qaran ee argagixisannimada ee la xariira sharciga xuquuqda aadanaha waxaa lagu aasaasayUNSC Resolution 1456(2003) [link], 1624(2005) [link], 1963(2010) [link], 2083(2012)

Intaas waxaa dheer, Soomaaliya (2008 ilaa 2016) iyo Tunisia (2012 ilaa 2016) waxay u codeeyeen go’aanka UNGA ee ku baaqaya dhamaan dalalku in ay xaddidaan isticmaalka ciqaabta dilka iyo in la xadido fulinta dilalka si loo gaaro in la tirtiro, waxa kale oo jirta in Dowladda Masar ballan qaaday hirgalinta ballanqaadyadii mutadawiciinta ahaa ee lagu qaaday geeddi-socodkii UPR ee 2014-ka, oo ay ka mid tahay ixtiraam buuxa oo xuquuqda aasaasiga ah ee xuquuqda aadanaha ah marka lala dagaallamayo argagixisanimada.

(1) Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Kalfadhiga 67-aad, Warbixinta ku-meel-gaarka ah ee Ergeyga Gaarka ah ee ku saabsan jirdilka iyo ciqaabta kale, cadaadiska iyo wax yaabaha kabaxsan bini-aadamnimada ama ciqaabta adag (Warbixinta SR ee jir dilka ah), 9-Agoosto 2012, A / 67/279 (oo la helay 24 February 2014) : http://www.refworld.org/docid/509a69752.html)