31 July 2017: Maxkamadda saree e militeriga ayaa diiday codsi racfaan ah oo usoo gudbiyey askargii dilay wasiirki ugu da’da yara ee Cabbaas Cabbdullahi Sheekh Sirraaji, kaasi oo la dilay 3-dii May 2017 agagaarka madaxtooyada soomaaliya. Askari Axmed Cabdullahi Cabdi Caydiid iyo askari kale, oo waardiye u ahaa Hanti-dhowrkii la casilay ee nuur Faarax ayaa waxa xiray ciidanka ilaalada madaxtooyada habeenki la dilay Wasiirka. Labada askari ayaa lagu soo oogay inay dil bareer ah geysteen horaantii bishii Juun. 19-ka bishii juun, ayaa maxkamaduu Axmed cabdullahi Cabdi caydiid ku xakuntay Dil toogasho ah kadib markii lagu helay inuu dilay Wasiirka, iyadoo lasii daayey askarigii kale kadib markii lagu waayey wax dambi ah. Xukunkaasi kadib ayuu askarigani codsaday Racfaan. Kiiska ayaa mar dambe loo gudbiyey maxkamadda saree e militeriga si dib loogu eego. Intii lagu uda jiray dhegeysiga dacwadda, ayaa garsoorka maxkamaddu ayiday xukunka dilka ah. “Kadib dacwada racfaanka ee eedeysane Axmed Cabdullahi Cabdi caydiid, maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida waxay dib-u-eegis ku sameesay kiiska eedeysanaha iyadoo ku hehsya inuu geestay Dil bareer ah, sidaasi darteedna waxay maxkamaduu ayideysaa Xukunkii Dilka ahaa”, Gudoomiyaha Maxkamadda saree e ciidan Militeriga Colonel Liban Ali Yarow ayaa sidaasi yiri. Maxkamadda ayaa intaasi ku dartay in xukunka dilka la fulin doono goor dhow. Wasiir cabbaas oo 31-jir ahaa ayaa noqday wasiirkii ugu horeeyey ee lagu dilo si kama’ ah. Wasiir cabbaas ayaa noqday Xildhibaankii ugu da’da yaraa Bishii November isagoo da’diisu eheed 31, isagoo ka guul helay wasiir hore. (xigasho: Somali Update)