6 August 2017Maxkamadda Militeriga sare ee ciidan qalabka sida ayaa ayiday xukun ay horey u riday qeybta 60-aad ee magaalada Baydhabo. Gudoomiyaha maxkamda militeriga Baydhabo Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhawaaqay xukunka 3 eedeysane kadib markii ay gubiyeen racfaan xukun horey loogu riday oo isugu jiray Toogasho iyo Xabsi daa’in. eedeysane yaasha ayaa kala ah Maxamed Aadan Burrow 22 jir, Samow Cali Aadan Ilkacase 23 Jir, Xassan Cabdullaahi Ibraahim qoorgaab 28 jir.
Go,aankii hore ee maxkamadda , Eedeysane Maxamed Aaden Cali Burrow ayaa lagu xakumay Dil toogasho ah halka Ilkacase iyo Qoorgaab lagu xakumay Xabsi daa’in. Tuhmanae yaasha lagu soo eedeyey kiis di loo dhacay Bishii July 2017 kaasi oo ka dhacay Masjid ku yaal Bartamah Baydhabo oo lagu dilay wadaad la oran jiray Sheikh Madeer Sheikh Madgab. Wadaadka la dilay ayaa ka mid ahaa ergadii dooraneysay Baarlamaanka. (Xigasho: Goobjoog News)