22 August 2017: Maxkamada ciidmaada qalabka sida ayaa labo ka tirsan Al-shabaab ku riday xukun dil ah kadib markii lagu eedeyey inay dileen dhaqmeed magaalada Muqdisho. Garsoore Xassan Cabdirahman Aaden (Wabiyow), ayaa ku dhawaaqay Xukunka maxkamadda ee laba nin-  Xassan Cali Xassan (Kerow), 23, iyo Cabdirahman Ciisse Cali (Fiidow), 20, kaasi oo ah in raggani lagu faldambiyeed ah in ay dil geesteen kadib baaritaan ay sameeyeen ciidanka Booliiska. Xassan iyo Cali ayaa loo hesyta in ay dileen Marxuum Helowle Xeefow Xussein, kaasi o ka mid ah ergada doorashada xubnaha Barlamaanka ee Maamulka Koonfur Galbeed Bishii November 2016-kii.
Labada eedeysane ayaa ciidanka amaanku gacanta kuso dhigeen wax yar uun kadib markii ay dileen Marxuumka. Iyago lagu soo qabtay Labo bastoolad iyo Bambo gacmeed degmada wadajir, sida ay Maxkamaduu sheegtay, Maxkamadda ayaa sheegtay in la maray dacwad qaadis rasmi ah kahor inta aan xukunkani dhcin Bishii August 21.
“Eedaysanihii aan la dhacsaneyn xukunka maxkamadda waxa uu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato xukunka maxkamadda kowaad unna gudbiyo maxkamadda racfaana muddo 30-cesho gudahood ah, haddi kale xukunka maxkamadda ayaa la fulin Doona” ayuu ku daray hadalkiisa Marka laga soo tago dhaleeceyn ururda xaquuq aadanuhu usoo jeediyaan Dilal ay maxkamaddu fulineyso, maxkamadda ciidanka Qalabka sida waxay sii wadda fulinta xukunno toogasho oo lagu rido dadka ku lugta leh al-shabaab iyo Askarta lagu eedeyo inay dil geyteen. (Xigasho: Garowe Online)