7 July 2017: Maxkadma militeri oo ku taal gobolka waqooyi berry ee Puntland ayaa xukuno isgu jira dil toogasho iyo Xabsi daa’in ku riday lagu eedeyey falal Argagixiso nimo; 2 kamid ayaa lagu xakumay dil toogasho ah, halka 3 Kalena lagu xukumay xabsi daa’in, iyadoo 3 kalena lasiidaayey kadib markii lagu waayey cadeymo dhameystiran. Dacwadda loo heesto eedeysanyaasha ayey dhegeesatay maxkamaddu kahor inta aysan gaarin go,aanka xukminta. Dhegeysiga wcwadda kadib ayaa Garsoore Awil Axmed Faarax ku dhawaaqay go,aanka maxkamadda oo eedeysaneyaasha ku heshay dambi la xariir inay qorsheynayeen fala argagixinimo inay ka geystaan Puntland. Dada eedeysaneyaahsa ah waxa kamid ah nin ganacsade deegaanka ah kaasi oo lagu eedeyey inuu qorshenayey inuu fuliyo weeraro qaraxyo markuu helo walxa qarxa. Horaanti, ciidanka amaanka ayaa bar koontrol ku qabtay gaari xamuul ah oo waay walxa qarxa. Intii lagu guda jiray waresiga ayey sheegeen eedeysaneyaashu in walxaha qarxahi ku socdeen nin ganacsade ah oo reer Bosaso ah. Ciidamada amaanka ayaa isticmaalay teleefoon uu laha mid ka mid ah eedeysanyaasha iyadoo ninkan ganacsadaha ahi la wacay oo uu sheegtay inuu leeyahay alaabtaasi. Intaaasi kadib ciidamu waxya sameeyne howgal ballaaran oo lagu ugaarsanayey ninkaasi iyadoo lasoo qabtay ninkaasi. (Xigasho: Garowe Online)