2 July 2017: Ururka xariirka la leh Al-qaacida ee al-shabaab ayaa meel fagaare ah ku toogtay labo nin oo dhalasho ahaan kazoo jeeda wadanka Hindiya magaalada ay gacanta ku hayeen ee Jilib, kuwaasi oo lagu eedey inay gacan saar la lahaayeen reer galbeedka. Axadii ayaa dagaalyahanadani shisheeye ayaa ururka Al-shabaab ay goob fagaare ah ku toogteen, kadib markii lagu eedeyey basaasnimo meeel banaanka ka ah tuulada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe. Xoggo la helayo ayaa sheegaya in raggani ay qeyb ka ahaayeen weeraro badan oo ururka Al-shabaab ku qaadeen qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Ururku wax war ah kama so saarin dilka labadani nine e u dhashay dalka Indiya. Ilo madax banana ayaa sheegaya in raggani isku dayayeen inay taliyaal sare oo Al-shabaab ku qanciyaan ku biirista uruka ISIS, laakin cadaadis ka yimid dhanka hogaanka sar saree e ururka ayaa hakiyey qorhshahaasi. Hogaamiyihii ladilay ee al-shabaab ayaa lagu eedeyey inuu dilay rag sar sare oo ka tirsana ururka o ay ku jireen Ibraahim Afghani iyo Abu Mansoor Al Amiriki kadib markii ay kazoo horjeesteen fikradihiisi. Godane ayaa lagu dilay weerar duqeyn diyaaradeed oo mareykan ahi ka geesteen koonfurta Soomaaliya Bartamihii Bishii September 2014. Kooxda mintidiinta ahee Al-shabaab ayaa la dagaalamaya ciidamada dowladda iyo nabad ilaalinta AMISOM iyagoo doonaya inay burburiyaan dowladda caalamku taageersanyahay ee Soomaaliya. (Xigasho: Garowe Online)