21 June 2017: Maxkamdda militeriga ayaa xakuntay Maxamed Aadan Borrow, iyadoo lagu xukumay xukunka Dilka kadib markii lagu eedeyey inuu dil u geestay wadaad Masaajid ku yaal magaalada Baydhaba. Xukunka Eedeysane Barrow ayaa yimid kadib markii maxkamadda la horkeenay cadeymot, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maxkamadda. Wadaad la dilay ayaa lagu magacabaabi jiray Madeer Caliyow, waxaana la dilay xilli uu ku jiray masaajid ku yaal magaalada Baydhabo, isagoo tukaney salad tawaawiix ah. Waxa sidoo kale maxkamaddu xukuntay labo qof kale oo ku eedeysnaa inay ka qeyb qaateen dilka wadaadka ayna howsha la fududeeyeen eedeysane Barrow. Waa markii labaad oo maxkamdda ciidan qalabka sidaahi xukun dil ah rido muddo 48-saac gudahood ah iyadoo maalin kahor xukun dil ah lagu rogay eedeysane loo heesto dilka wasiir Cabaas Siraaji. (Xigasho: https://midnimo.com/2017/06/21/119198)