19 June 2017: Maxkamadda saree e ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday mid ka mid ah eedeysane yaashi ka dambeeyey dilkii Wasiir cabaas Siraaji oo ahaa Wasiirka howlaha guud iyo Dib-u-dhiska soomaaliya. Xeer ilaaliyaha kowaad ee maxkamadda ciidanka qalabka sida Major Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka loo heesto labo tuhmane dilka wasiirkii hore ee cabaas siraaji. Xukunka ayaa haaa in Axmed Cabdullahi Ceydiid oo ka tirsan ciidanka xooga dalka lagu xakumay Dil toogasho ah Halka eedeysane, Taliye Cusmaan Salaad Barre lagu waayey wax dambi ah. Kiiskani waxa uu socday tan iyo 3-dii May 2017 markii wasiirki hore ee howlaha Guud iyo dib-u-dhiska cabaas siraaji lagu dilay meel ku dhaw afaafka hore ee madaxtooyada. Wasiirka ayaa ku dhintay iska shaki ka dhex dhashay askar waardiye u eheed Hanti-dhowrka guud ee qaranka, Nuur Jimcaale Faarax, kaasi oo xilka ku waayey sabab la xariira dhimashada wasiirka. (Xigasho: Goobjoog News)