31 May 2017: iyadoo walaac laga muujiyey xaalada maxaabiista ku xiran labada Xabsi ee ugu waaweyn muqdishu, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed “Farmaajo” magacaabay guddi gaar ah oo u kuur gala xaaladaha ay ku suganyihiin maxaabiista ku xiran Xabsiga dhexe iyo xarunta dambi barista ee CID-da. War saxaafadeed ka soo baxay villa soomaaliya, ayaa madaxweyne farmaajo sheegay in guddiga howshiisu tahay in ay diyaariyaan Warbixin deg deg xaalada ay ku sugnayihiin dadka ku xiran xabsiyadda Dhexe iyo kan CID-da. Gudiga ayaa laga filayaa inay madaxweynaha soo waregeliyaan inta maxbuus ee ku jirta labada xabsi, inta sugeysa Xukun maxkamadeed tirade caruurta iyo Haweenka ah eek u xiran labda Xabsi. Guddiga ayaa looga fadhiya inay madaxweynaha war bixin kusoo celiyaan. (Xigasho: Jowhar.com)