31 May 2017: Al-shabaab ayaa kusoo rogga ciqaab adag dadka lagu helo Galmoodka sharci daradda ah, sinnada iyo Khaniisnimada meelaha ay gacanta ku hayaan Soomaaliya. Dhacdo noocani ah ayaa Al Shabaab ku fuliyeen nin lagu eedyey inuu galay fal Sino ah.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay halka uu kadhacayey dilka dhagaxa ah ee lagu filinayey Dayow Moxamed Xassan Tuulada Raamo Caddey ee bartamaha gobolka Baay, wakaalada Reuters oo soo xiganeesa sarkaal ka tirsan Uruka xariirka la leh Shabaab ayaa sheegtay in Xassan oo ah 44 jir, ayaa lagu xukumay dhagax ku dil xukun ah kadib markii lagu helay inuu u galmooday haweenay uusna qabin isagoo horey u qabay laba xaas ah. Al Shabaab ayaa ninkani duugay ilaa qoortiisa iyagoo dhaxgaan la dhacay. “Ninka waxa uu lahaa laba xaas iyo carruur. Waxaana lagu fuliyey xukun dhagax ku dil ah kadib markii uu galay Sino sida ay qabto shareecada Islaamku,” ayuu sargaalku sheegay. “Ninkani waxa uu galmooday haweenay Seddexaad oo lasoo furay. Mana ku guursanin sifo sharci islaami ah. Wuu qiyaameeyey, oo waxa uu usheegay inuu Hoos ka mehersaday. Sikastaba ha ahaatee, markii haweeneydii uur kusoo baxay, labada reer wey is murmeen mana la helin wax shahaado meher ah oo uu ku guursaday gabadhan. Maxkamaduu waxay xukmisay in ninkani uusan inanta sifo sharci ku guursan, sidaasina waxay ugu xakuntay dil dhagax ah.” Ururka Al-shabaab ayaa raadinaya inay ridaan Dowladda jirta si ay wadanka ugu soo roggaan Shareecadda islmaamka isla markana abuuraan Khilaafo islaami ah. Sanaddii 2014-ka, wiil kuray ah ayey kooxdu ku fuliyen xukun dil dhagxeyn ah iyagoo ku eedeyey inuu kufsi u geestay Haweenay Sidookale sanaddi 2008, waxa xukun noocaasi oo kale ah lagu fuliyey gabar yar taasi oo lagu eedeeyey in ay ku dhacday Sino. Si kastaba ha ahaatee, snadihii dambe Al-shabaab waxa laga saarayey inta badan magaalooyinka iyo Gobolada ay ku awooda badayihiin iyado taageero laga helayo 22,000 kun Ciidan AMISON ah. (Xigasho: https://face2faceafrica.com/article/somali-man-stoned-death-adultery)