11 October 2018: Ururka Al shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taal degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ku dilay shan qof oo basaasnimo lagu soo eedeeyey, sida ay tebisay Idaacadda Al andalus ee ku hadasha afka Al shabaab.

Maxkamadda Al shabaab ayaa Talaadadii lasoo dhaafay xukuntay in toogasho lagu dilo shanta qof oo dhammaantood rag ahaa, kuna eedaysnaa in ay jawaasiis u yihiin dowladaha Maraykanka, Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Cawaale Axmad Maxamad oo ragga la toogtay kamid ahaa, waxay maxkamadda Al shabaab kusoo eedaysay in uu ka tirsanaa Hay’adda Sirdoonka Britain ee MI6, islamarkaana loo soo diray Soomaaliya si uu MI6 ugu gudbiyo xogo ku saabsan ururka Al shabaab.

Warbaahinta Britain ayaa horay u baahisay in laamaha ammaanka ee dalkaasi ku raadjoogaan cawaale oo 32 jir ahaa asalkiisuna Soomaali yahay, kaddib markii uu ku biiray Kooxda Daacish laanteeda Soomaaliya.

Al shabaab ayaa ninkaas gacanta ku dhigay bilo kahor, markaas oo dagaal dhex maray iyaga iyo koox horay Al shabaab uga tirsanayd dibse uga biirtay Daacish.

Al shabaab oo toogatay nin u dhashay Britain oo basaasnimo lagu eedeeyey