14 Oktoobar 2018: Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay mid kamid ah dadkii ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen qaraxii 14-ka Okoobar ee sanadkii hore ka dhacay isgooyska Soobe ee magaalada Muqdisho
Xasan Aadan Isaaq Cali ayaa 14-kii Otoobar 2017 laga soo qabtay xaafadda Buula-Xuubey isaga oo waday gaari miineysan oo noociisu ahaa NOAH.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in Maxkamadda ay saakay dil ku fulisay Xasan Aadan Isaaq Cali oo hay’adaha amniga soo qabteen isagoo wada gaari miineysan.
Xasan Aadan Isaaq ayaa lagu eedeeyay inuu wax ka ogaa Qaraxii 14-kii October oo ay ku wax yeeloobeen dad ka badan 1000 qof.
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14-ka Oktoobar waxaa sanad laga joogaa maalinkii uu dhacay qaraxii ugu khasaaraha badnaa guud ahaan qaaradda Afrika sidoo kalena noqda midka ah qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa dunida.