9 October 2018: Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta shan qof ku toogtay Magaalada Jilib. Al-Shabaab oo gacanta ku haysa magaaladaas ayaa waxa ay kusoo eedeeyeen shanta nin inay ahaayeen jaajuusinta sirdoonka Soomaaliya iyo Reer Galbeedka.
Dadka la dilay ayaa waxaa ka mid ah Mohammed Ahmed Mohammed, oo ahaa jihaadiiste sanaddii 2013 kasoo baxsaday magaalada London. Waxaa isha ku hayey mas’uuliyiinta UK.
Mohammed oo la yaqiin “Mohammed Baby” ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu Soomaalida UK uga jaajuusi jiray sirdoonka UK. Waxaa la xiray bishii November ee 2015, kadib markii lagu tuhmaay inuu ku biiri rabay Daacishta Soomaaliya.
Boqollaal ruux oo kamid ah dadka Jilib degan ayaa isugu soo baxay fagaaraha weyn ee Macallin Aadan, halkaas oo uu ka dhacay xukunka.
Haddaba hoso ka aqriso magacyada dadka la dilay iyo waxa lagu eedeyey.
1 – Cabdi Casiis Cabdi Salaam Sheekh Xasan oo 22 sana jir ah, waxaa lagu eedeeyey inuu u shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, sida ay sheegtay maxkamadda Al-Shabaab.
2 – Maxamed Cabdullaahi Cawil oo 35 sana jir, waxa ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna ka dambeeyay weerar Mareykanku ka geystay magaalada Saakoow.
3 -J eyllaani Cabdullaahi Nuur oo 36 sana jir ahaa, waxa ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu la shaqeynayay Sirdoonnada Mareykanka iyo dowladda federaalka, uuna ka dambeeyay duqeymo ka dhacay Sh/Hoose.
4 – Cawaale Axmed Maxamed waa 32 sana jir. Ninkan ayaa dalka UK, oo uu ka yimid, looga yaqiin Mohammed Ahmed Mohammed. “Mohammed Baby”. Al-Shabaab waxa ay ku eedeysay inuu la shaqeynayay sirdoonka UK ee loo yaqaan MI6.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey in uu basaasay dad Soomaali ah oo dalka UK deggan, isagoo ugu dambeyntiina ay saraakiisha MI6 lacago siiyeen una soo direen Soomaaliya si uu ugu biiro ‘Daacishta Soomaaliya’.
5 – Cabdul Qaadir Isxaaq Amii, waxa ay Al-Shabaab ku eedeysay inuu jawaasiis dowladda Federaalka uga qorayay gobollada Jubbooyinka.