26/09/2018: Saddexda xubnood ee Dilka lagu xukumay waxaa lagu kala magacaabaa Xassan Laamow Aadan katirsan Ururka Daacish ,Yaasiin Cismaan Cabdi Saalax ka tirsan Ururka Al- shabaab iyo Xassan Maxamed Cali Ibraahim katirsan Al-Shabaab.
Maxkamaddu waxa ay sidoo kale Xabsi Daa’in ku xukuntay saddex nin oo kale oo lagu kala magacaabo Xuseen Jaaylaani, Cabdi Cumar iyo Bishaar kuwaas oo la sheegay in Ururka Alshabaab xubno ka yihiin , iyagoona lagu soo qabtay hawlgalo laamaha ammaanka ee Gobalka Bari sameeyeen .
Xassan Maxamed oo isna kamid ahaa xubnihii maxkamadda la horkeenay ayaa maxkamaddu sheegtay inay aqbashay codsiga qareenkiisa ,kaas oo la xiriiray in baaritaan caafimaad lagu sameeyo si loo hubiyo .
Laba xidigle Maxamed Jaamac oo ka tirsanaa Ciidamada Guuto bari kuna eedaysnaa in uu dil gaystay ayey maxkamaddu sidoo kale ku xukuntay shan sano oo xarig ah iyo bixinta makta marxuumka uu dilay.