16 August 2018: Cabdiraxmaan oo ku eedeysnaa dilka askariga ayaa kasoo baxsaday magaalada Beledweyne isagoo lagu qabtay xarun laga diiwaan gelinayay dadka ku biiraya ciidanka booliska,
Ciidamada boliiska oo la socday kiiska Cabdiraxmaan ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoona ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda ciidamada ayaa dil toogasho ku xukuntay Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan kadib markii ay ku cadaatay in uu dil barer ah ugu geystay askari kale magaalada Beledweyne ee magaala madaxda Gobolka Hiiraan.
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan qeybta 27-aad ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.
Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorka in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markhaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah
Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Maxkamadda ciidanka oo xukuntay askari dil u geystay askari kale