22 Sept 2018: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsanaa ciidamada booliska magaalada Baladweyne oo bishii hore magaalda ku dilay qof rayid ah.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Korneel Xassan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Mahad Xuseen Shiidow ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah kadib marki ay u cadaatay in uu dil u geystay qof rayid ah.
“Tariikhada markay aheyd 20-kii bisha 9-2018-ka maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay u fadhisatay dhageysiga dacwad loo heystay dable boolis Mahad Xuseen Shiidow, oo lagu soo eedeyay inuu dil bareer ah u geystay marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa wade mooto bajaaj, kadib markii uu labo xabadood oo qoriga AK 47-ka uu ku dhuftay, sidaasina uu ku geeriyooday 27-kii bisha 8-2018-ka, markay maxkamadda dhageysatay, cadeymo iyo maqraatiyaal la horkeenay maxkamadda islamarkan uu qirtay Mahad Xuseen Shiidow in xabadihii uu riday uu u geeriyooday Yaasiin Cali Saney, waxay maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah”ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale Korneel Xassan Cali Nuur shuute ayaa sheegay in rasaastii uu ku geeriyooday marxuumka uu dhaawac ka soo gaaray dhibane Cabdi Dukow Maxamed.
“Eedeysanaha waxaa sidoo kale lagu soo eedeyay in xabadihii uu riday uu dhaawac ka soo gaaray dhibane Cabdi Dukow Maxamed, dambigaas oo ka dhacay degmada Baladweyne”ayuu intaasi raaciyay guddoomiyaha maxkamadda Xassan Cali Nuur Shuute.
Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka maxkamadda ay u furan tahay inay racfan ka qaataan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horey xukunno sidan oo kale ah ugu riday askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo dil ka geystay magaalada Baladweyne inkastoo weli aan lagu fulin xukunnada lagu riday.

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari dilay qof rayid ah