12 August 2018: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya laanteeda 60aad ee fadhigeedu yahay magaalada Baydhabo, ayaa xukun dil ah ku riddey askari ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed oo ku eedeysnaa in uu horay askari kale u diley.
Askariga la xukumay oo lagu magacaabo Dable Xasan Raage Xasan, waxaa loo haystey dembi ah in February 2, 2018 uu degmada Berdaale ee gobolka Baay ku diley askari kale oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Booraay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gaashaale Dhexe Aadan Mukhtaar Axmed ayaa xukunka ku dhawaaqay, isagoo sheegay in maxkamaddu go’aankan gaartey kadib markii la horkeenay cadeymo iyo markhaantiyaal ku filan.
“Maxkamadda waxaa u caddaatay in dambiile, gacan ku dhiigle, Xasan Raage Xasan uu galay dembiga lagu soo eedeeyey, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Cali Maxamed Booraaye” Gaashaale Aadan ayaa yiri.
Muddo bil ah ayaa eedeysanaha fursad loo siiyey, taasoo sharcigu u oggol yahay in uu rafcaan ku qaato si uu isaga difaaco xukunka lagu ridey.
Laanta gobolka Banaadir ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maalmo kahor xukun ku riddey labo askari oo lagu soo eedeeyey inay dhac hubeysan u geysteen labo kamid ah xarumaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

Askari horay Baydhabo qof ugu diley oo toogasho lagu xukumay