25 May 2017: Maxkamadda Militeriga soomaaliya ayaa xukun dil ah ku fulisay nin ku eedeysnaa inuu dilay sarkaal ka tirsan ciidan Nabad sugidda. Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Mumin Xusseen Cabdullahi ayaa sheegay inay fuliyeen xukunka dilka ciidan xabad ku furay. “Maxkamaddu waxay toogatay Yusuf Xusseen Maxamuud oo (24) jir ah, kaasi dil u geestey sarkaal nabad sugid ah oo lagu magacaabo Cabdiweli Ibraahim, Madaxii amniga goboka shabeelada dhexe Taariikhdu markey eheed June 21, 2016,” Mumin ayaa yiri. (Xigasho: Xhinua, 25/5/2017)