27 May 2017: Maxkamd Militeriga Soomaaliya ayaa 5 rag ku xakuntay dil toogasho ah kadib markii lagu qabtay iyagoo waday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, Sida uu sheegay mid ka mid ah maxkamadda, dacwad qaadida noocani ayaa ah mid Naadir ah iyadoo weerarada Islaamiyiintu sii kordhayo. Shanta nin ayaa sheegay inay ka tirsanyihiin Maleeshiyada xariirka la eh ururka Al-qaacida. Raggana ayaa la qabtay iyagoo waday gaari ay saarnaayeen 3 fuusto oo laga buuxshay walxaha qarxa magaalada Bosasso, caasimadda gobolka waqooyi barri ee puntland, Bishii April 26-keedii. “Shantan ayaa la qabtay iyagoo ku dhexjira fal dambiyeed ah inay wateen gaari walxaha qarxa ay saarnaayeen. Iyagoona qirtay inay ka mid yihiin ururka al-shabaab, sidaasina maxkamaduu waxay ku xakuntay Dil toogasho ah,” Cabdifatah Xaaji Aaden, Gudoomiyaha Maxkada Ciidanka Puntland, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka Reuters. Xilligaasi, saraakiishu waxay wariyaasha tusiyeen Seddexda fuusto, kuwaasi oo ay sheegeen in la damacsanaa fuusto kastaahi lagu bartilmaameed sado xarun gooni ah oo lagu qarxiyo. Fulinta toogashada ayaa u baahan amar madaxweyne kahor inta aan la fulin xakunka (Xigasho: Reuters, 27/5/2017)