18 May 2017: Maxkamadda Militeriga Soomaaliya ayaa fulisay nn ku xukmanaa dil toogasho ah 14 March 2017 kaasi oo ka dambeeyey gaari ku qarxay Suuq Khudaarta lagu iibiyo oo ku yaala Degmada waaberi ee Magaalada muqdisho. Sarkaal ka tirsan maxkada militeriga ayaa saxaafada kula hadlay halka toogashadu ka dhacay sheegay in la toogtay Mr. Cabdulqadir Cabdi Xassan iyadoo ay fuliyeen xukunka koox Ciidan oo rasaas ku furay. Xassan ayaa la sheegay inuu ahaa Darawalkii waday gaariga qarxay, sida uu wariyaasha u sheegay sarkaalka. Xassan ayaa ku jiray gacanta ciidanka Booliska tan iyo maalintii uu dhacay qaraxu.
Xilliga suuqa la qarxiyey aya ku begneed 27-kii November 2016 iyadoo ay ku nafwaayen dad gaaraya 15 Ruux halka ay ku dhacmeen in ka badna 20 Qof oo ubadnaa dad rayid ah. Maxkamadda militeriga ayaa horey u fulisay xukuno noocani oo kale ah kaasi oo lagu fuliyey rag ku eedeysna Al-shabaabnimo iyo lagu helay in Dil ugeesteen saraakiil ka tirsan dowladda oo waaxda sharci yaqaanada magaalada Muqdisho. Dowladda Soomaaliya ee taageeraan Qaramada midoobay (QM) ayaa balan qaaday inay la xisaabtami doonto ciidamada geesta tacadiyo ka dhan ah shacabka (Xigasho: Radio Dalsan)