18 May 2017: Ururka Al-shabaab ayaa meel fagaare ah gacanta Midig kaga jaray Labo nin, kadib markii maxkada Islaamiyiintu leeyihiini ku eedesay in lagu helay dambi inay udhaceen dukaan ayna ka xadeen lacag dhan Shan boqol ($500) Doolar. Labada nin ayaa qirtay qaadashada lacagta Tuulada Tiyeglow eek a tirsan gobolka Bakool iyadoona lagu amray in ay bixiyaan lacagta ay qaateen, Moalim Gedow, gudoomiyaha Al-shabaab ee Gobolka bakool ayaa sidaas usheegay wakaaladda wararka ee Reuters. al Shabaab Gaari Ambalas ah oo ay leeyihiin xarakda Al-shabaab ayaa intaasi kadib Isbitaal u qaaday labada Nin, Cabdullahi Maadey, oo ka mid ah dadka deegaanka Tiyeeglow ayaa sidaasi u sheegay Reuters. Al Shabaab, oo dagaal ba’an kula jirta sidii ay dowladda dhexe uga qabsan leheed bartamaha soomaaliya ayaa doonaya inay soo rogaan turjumadooda qalfsan ee shareecadda Islaamka, Iyagoo fuliya Toogashooyin, fKarbaashid iyo aGacmo Goysmo kadib max kamadayn kooban oo ay ka mid yihiin eedeyn Basaasnimo iyo Xatooyo. (Isha: Reuters)