16 May 2017: Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo la doortay bishii Febraayo, ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda Al-Qaacida la xiriirio ee Al-shabaab. Madaxweynuhu wuxuu cafis u fidiyay 60-ka maalmood ciddii isku soo dhiibta, wuxuuna ballan-qaaday in uu cirib tiri doono laba sano gudahood. Al-Shabaab waxa ay ka soo baxday Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ee laga saaray caasimadda Muqdisho, 2006. Xagjiriintu waxay qaadeen weerarro waaweyn oo ka dhaca Soomaaliya iyo waddamada deriska ah, sida Kenya, iyagoo si joogta ah u fuliyaan qaraxyo is miidaamin ah Caasimadda Muqdisho, dilka rayidka, saraakiisha dawladda iyo askarta. Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Soomaaliya jooga, ayaa u sheegay wargeyska Newsweek in inkastoo Cafisku yahay bilow wanaagsan, ma ahan mid ku filan in loo soo bandhigo kooxda xagjirka ah. “Uma maleynayo cafis gaar ah keligiis inuu shaqeynayo. Waa arrin aan ahayn istaraatijiyad, “Ma idiin rajeynayno inaad ku dhimataan fikradaha qaldan ee Xagjiriinta” ayuu yiri Keating, oo ka hadlayey munaasabadda shir weyne caalami ah oo ku saabsan Soomaaliya oo lagu qabtay London Khamiistii. “Cafisku waa qayb ka mid ah qaabka loo mari karo, laakiin sidoo kale waxaad u baahan tahay qaabka ciqaabta, gaar ahaan haddii ay adeegsanayaan rabshado si loo buunbuuniyo ujeeddooyinkooda siyaasadeed.” Illaa iyo hadda, Al-Shabaab ma muujineyso wax calaamad ah oo ay joojinayaan weerarada. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa warka maxaweyne Farmajo ku tilmaamay “.Mid lagu farxad gelinayo reer galbeedka” ka qeygalaya shirkada Lodon kaasi oo ay dowladda UK u qabatay Soomaalida iyadoo ay kasoo qeybgaleen 40-xubnood oo dowladdo kala duwana socday si dhaqaale aruunrin lagu teegerayo Soomaaliya ay u sameeyaan, Raiisul wasaaraha ingiriiska Theresa May ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay kordhisay tirada weerarrada ay ka fuliso Muqdisho, iyaga oo aan siin waqti cayiman.

Khubarada ayaa aaminsan in Al-shabaab ay ka koobantahay xubno kala duwan, kuwaasi oo qaarkood yihiin qunyar socod ah halka qaarna yihiin Dhalinyaro la marin habaabiyey halka qaar kalena yihiin Jihaad doon xambaarsan ujeedooyin gar ah. Hogaamiyihii hore ee kooxda Axmed Cabdi Godane— Kaasi oo diyaarado mareykan ihi duqeyn ku dileen Sanadii 2014 — ayaa Ballan ku biiris ah la sameeyey ururka Al-qaacidda. Xukumaddihii hore ee Soomaaliya ayaa horey iskugu dayey inay wada hadal la furan aruruka. Madaxeynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo talada soo hayey sanadii 2012 ilaa laga doortay Madaxweyne farmaajo, ayaa u sheegay waregyeska News week in ururka kooxdiisa an jagooyinka sare heynine ka faa’iideysteen Cafiskii hore loogu fidiyey intii u hayey xilka madaxtinimo, Laakin suurto gal manaqanin in heshiis wada xaajood lala galo kooxda kuwooda sar sare maadaama ay Dolladaha Mareykan iyo kuwo kaleba u tixgelshaan inay yihiin argagixiso caalami ah. “Mararka qaar, waxa la gaari karaa wadahadal siyaasadeed oo la gaaro kooxda kuwooda ugu xagjirsan taasi oo sahli karta burburinta Kooxda. Laakin uma maleenayo in hadda marxaladaasi meel u dhow lajoogo,” sayuu yiri Keating. (Xigasho: Newsweek)