6-May 2017: Mintidiinta al-Shabaab ayaa amar ku siiyay dadka degan tuulada Qurac Madobe, kuwaas oo u socday ganacsigooda, inay isu soo baxaan. Daraasiin dad ah ayaa soo aruuray si ay u arkaan xagjiriinta iyaga oo laba nin oo dharka rayidka ah ku haya qori. “Waxay labada nin hor keeneenmaqaayd shaaha laga cabo, iyagoo dadweynaha isu soo baxya u sheegay in ahaayeen askar ka tirsan Dowladda,” ayuu yiri qof goob jooge ah oo la hadlay xafiiska adeegga bulshada e idaacadda VOA. Mid ka mida xagjiriinta ayaa markaa akhriyey aayaddan Quraanka, ayuu yidhi, iyo Laba nin kale oo watay midiyo dhaadheer si ay qoorta kaga jaraan labada nin, kadib dadweynihii daawanayey ayaa qayliyey. Korneel Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa raggaas ku kala magacaabay Mowlid Xuseen iyo Axmed Yacquub, waxuuna sheegay inay kusii magalaada Jowhar halkaasi ay ugu socdeen arrimo qoys oo deg deg ah markii al-shabaab dhexda u galeen gaarigii ay wateen. Colonel ayaa sheegay in ay ahaayeen “inaysan markaasi shaqo ciidan ku jirin, aysan ka warqabin wax hub ahna wadan.” (Xigasho: Voa News, 15/5/2017)