22 Abriil 2017: Maxkamada Militeriga Soomaaliya ayaa xukun dil ah riday askari Bilays ah oo dilay qof rayidka sanadkii 2016. Ahmed Abdi Madey, oo ah 28-jir ka tirsana Ciidanka Bilayska Soomaaliya (SPF) ayaa lagu eedeeyay inuu si ula-kac ah u dilay Maxamed Cali Cabdalle, oo aha mulkiilahameel Timajire ah 5-tii January, 2016, oo ku taallay magaalada Afgooye, 30km dhinaca koonfur kaga beegan caasimadda Muqdisho.Sida laga soo xigtay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Maxkamadda Militeriga Hassan Nur Shute, xukunka maxkamada wuxuu dhacay 30-kii July, 2016-kii. Xukunkaas ayaa ahaa bixinta magdhow [maxaliga loo yaqaan diyo] Lasiiyo qoyska uu ka geeriday marxuumka kaddib markii kiiskii dilka loo arkayay mid aan Badheedh, Hase yeeshee kaddib xukunkan ayaa laga laabtay kadib markii Maxkamadda militariga ee rafcaanka dib u eegis ku sameesay kiiskii racfaanka ee uu soo gudbiyay qoyskii marxuumka.“Kadib markii maxakamdda Racfanka Militerigu dib u eegis ku sameesay kiiskii hore ee ay racfaanka ka qaateen qoyska marxuumku, maxakamadda waxa u cadaatay in xukun dil ah lagu fuliyo gacan ku dhiiglaha Dilka geestay” Shuute ayaa sidaasi yiri.Dilka ayaa lagu qabtay goobta caanka ah ee General Kahiye Police oo Muqdisho ku taalla oo boqollaal shacab ah ay isugu soo uruureen si ay u markhaati kacaan dilka ay koox ciidan hubeysani ku fuliyeen askariga.Askarta dowladda waxaa si joogta ah looga arkaa waddooyinka Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee muhiimka ah iyagoo hubaysan mararka qaarkoodna si ula kac ah u toogtaan rayidka. (Isha: SomaliUpdate Online, 22/04/2017)