24 April 2017: Maxkamad millatari oo Soomaali ah ayaa xukun Dil ah ku fulisay afar qof oo lagu helay inay xubno ka yihiin Al-Shabaab isla markaana ay fuliyeen weerarro bam gacmeed ah oo lagu qaaday Baydhabo kuwaas oo galaaftay nolosha in ka badan siddeed qof. Toogashada xubnahani ayaa ka dhacday meel ka baxsan magaalada Baydhabo. Guddoomiyaha maxkamad milatariga ee Baydhabo Liibaan Cali Yarow ayaa magacyada eedeysaneyaasha ku sheegay; Xasan Aadan Mursal, Abdilatif Moalim Aden Cabdiraxmaan, Siyaad Xassan Faarax iyo Sharamad Aawaw Maxamed.Yarow ayaa sheegay in dambiilayaasha la toogtay lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacida la xiriirta ee Al-Shabaab iyo in ay ku lug lahaayeen weerar dad badani ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Baydhabo bishii Febraayo, 2016. Guddoomiyaha Maxkamadda millatariga Liibaan Cali Yarow, ayaa sheegay: “Dilkan maanta waa fal cadaalad ah maadaama ay dambiilayaashu horey u dileen daraasiin dad ah oo ku qarxiyeen bambaano.”Midowga Yurub wuxuu si gooni ah ugu baaqay in la mamnuuco ciqaabta dilka ee ka jirta Soomaaliya oo ay ku jiraan shan ruux oo al-Shabaab ah oo lagu helay dambi ah in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsan Puntland bishii December sannadkii 2016-ka. (Isha: Goobjoog News)