13 April 2017: Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa “si aad ah u cambaareeyay” Weeradii Argagixiso ee u dambeeyey kuwaasi oo kadhcay Soomaaliya oo Galaftay nolosha dad daraasiin ah maalmihii la soo dhaafay. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in weeraro daraasiin ah oo toban maalmood gudahood dhacay ay ku dhinteen 28 qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen 31 kale. Weerarrada waxaa lagu Qaaday maqaayado, suuqyo mashquul ah, iyo gaadiidka dadweynaha. “Weerarrada dadka rayidka lagu qaadayo ma ahan kuwo cudur daar leh. Waxay si gaar ah kuusi murugu gelineysaa markii Haween iyo carruur badani ay ku waayeen noloshooda. Tani waa hab qallafsan oo ka baxsan bini’aadanimada oo wax natiijo siyaasadeed ahi ka imaaneen. Waa inay joojisaa isla markiiba, “ayuu yiri SRSG Keating. Tan iyo 2017, ugu yaraan 337 qof ayaa la dilay ama lagu dhaawacay 87 weerar oo kala duwan oo IED ah, badi dadka wax yeeladu gaartay ayaa ah rayid. Toddobaadkii hore, xukuumadda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab waxayna kooxdu u soo bandhigtay 60 maalmood inay isku soo dhiibaan si dhaqan toosin iyo wax barasho loo siiyo. Kooxdan xagjirka ah ayaa war ka xukuumaddu soo saartay u arka mid laiska yiri iyagoo Farmaajo u arka “hogaamiye Daciif ah” iyo “Murtad”. Waxay ku hanjabeen xoojinta weerarrada Muqdisho.
Isagoo ka hadlayay xaflad lagu xusayay sannad-guuradii 57-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) 12-kii Abriil 2017, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu wacad ku maray inuu si buuxda u burburin doono kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab muddo laba sano gudahood ah. “Waxaan u xaqiijinaynaa dadka Soomaaliyeed in aan diyaarinnay, mudo laba sano ah gudahood ayaan ka tirtiri doonnaa al-Shabaab dhammaan meelaha ay ka joogaan Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha. (Xigasho: Hiiraan Online)