10 April 2017: Maxkamad millatari oo ku taal Puntland ayaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab Xukun Dil ah ka fulisay magaalada Gacanka Cadmeed ee Boosaaso. Isagoo la hadlaya Radio Garoowe (RG), Madaxa Sare ee Maxkamadaha Milatariga, Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in koox Ciidan Hubeysan ihi ay dileen xubnihii lagu helay Dambiyada ahaa inay dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan puntland kuwaasi oo ku sugnaa magaalada Boosaaso. Aadan ayaa sheegay in dambiilayaasha la toogtay lagu eedeeyay in lala xiriiriyay kooxda al-Qaacida la jirta ee Al-Shabaab.
Bishii Febraayo, maxkamad milatari ayaa ku xukuntay 7 tuhmane toogasho laakiin maxkamad racfaan ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 2 tuhmane, sida uu qabo Aadan. Waxa uu u sheegay RG in ay jiraan dad kale oo Al-Shabaab ah oo ku xukman Dil toogasho ah, iyadoo intooda badanna lagu qabtay Suuj iyo Garmal ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada dawladda bishii March 2016-ka. “Kuwa dambiilayaasha ah ayaa sidoo kale la fulin doonaa,” ayuu raaciyey Aadan.
Dhamaadkii sanadkii hore, magaalada Boosaaso ayaa goob joog ka noqotay weeraro argagixiso oo lala beegsaday saraakiisha Puntland iyaga oo Dalaydu dishay taliyihii saddexaad ee ciidanka booliska, agaasimaha Boosaaso ee Madaxtooyada iyo xeer ilaaliyahii Guud ee Maxkamadda militeriga Puntland. Tani waa markii ugu horreysay ee maamulka ka arrimiya Puntland ay ku fuliyaan xukun noocaan kuwa la xariirinayo kooxda Al Shabaab. (Isha: Garoowe Online iyo VOA News)