Al- Shabaab ayaa fagaara ku taalla degmada Kamsuuma ee gobolka Junnada Hoose waxa ay ku toogteen 4 Nin oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Hay’addo Caalami ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Boqollal ka mid ah Shacabka degmada Kamsuuma ayaa daawanayay toogashada 4 ruux oo dhamaantood rag ahaa, waxaana Magacyadooda ay Al- Shabaab ku kala sheegeen ragga ay toogteen.

 

1: Aweys Ismaaciil Aadan oo 25 Sano jir ahaa ayay sheegeen Al- Shabaab in uu la Shaqeynaynay Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu gudbin jiray lambarada saraakiisha Al- SHabaab si loo duqeeyo ,iyaga oo sheegay un qaadan lacag dhan 50 Dollar.

 

2: Climi Warsame Cumar oo ay Shabaab sheegeen in uu u Shaqeynayay Shirkad lagu Magacaabo PSU oo laga leeyahay dalka Britian, isla markaana lacag ahaan u qaadan jiray 270 oo dollar.

 

3: Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa Al- Shabaab waxa ay ku eedeeyen in uu la Shaqeynayay Ciidamada Jabuuti ee Hiil- Walaal eek u sugan Baladweyne iyo Jalalaqsi una qaabilsanbaa hagida diyaaradaha wax duqeeya, sidoo kalena mushaar ahaan uu u qaadan jiray 477 dollar.

 

4: Maxamud Abuukar Xaaji ayaa kale Al- Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay Sirdoonka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa PS-ta, isla markaana uu u qaabialanaa in uu Shirqoolo Saraakiisha Al- Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Todobaadkii la soo dhaafay Maalintii Arbacada aheyd ayaa sidaan oo kale ay uruka Al- Shabaab fagaaaro ku yaalla deegaanka Yaaq Baraawe ee Gobolka Baay ku toogteen shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Hay’addo Sirdoon oo Ajanbi ah, waxaana dadka la toogtay Saddex ka mid ah ay u dhasheen dalka Kenya.

 

Al Shabaab oo 4 Ruux ku toogtay Gobolka Jubada Hoose