28 Diseembar 2017: Kooxda Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay qudha kajareen nin Soomali ah kaasi oo lagu eedeyey inuu kufsaday Gabar yar tuulada Jannaale ee Gobolka shabeelaha Hoose. Ninkani oo aan magaciisa la shaacin ayaa qudha looga jaray goob fagaare ah oo ku taale Tuulada Jannaale galabnimaddii Arbacadda, sida ay kusoo warameen dadka deegaanka.

Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay goobta ninkani lagu qaarijinayey.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan ficiladda noocani ah kula kaca dadka ku eedeysan inay geesteen kufsi, Jaasuusid iyo Dhaca, xukunaddan ayey ka fuliyaan goobaha ay gacanta ku hayaan Kooxdani. (Xigasho: Shabeele Media Network Mogadishu)