26 Diseember 2017: kooxda mintidiinta Al-shabaab ayaa toogtay Shan ruux (5) oo uu kujiro wiil da,yar oo 16 Jir ah kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay Basaas u ahaayeen dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Dowlada Somaaliya.

Wiilka yar iyo 4-ta Rag ah ayaa lagu toogtay goob fagaaro ah OO ku taala  Degmada Iidaale, taasi oo Magaalada Baydhabo, 60km kaga beegan dhanka koonfureed. Toogashada ayaa timid kadib markii Maxkamadda Xagjiriinta Al-shabaab xakun ku riday raggani iyadoo raaceysa Dambi ku sheega lagu eedeyey dhibaneyaasha, in kasta oo maxkamadu aysan soo bandhigin wax cadeymo ah oo lagu helay dhibanayaasha la toogtay..

Urur Diimeedka Al-shabaab ayaa fuliyey 22 xukun dil sanaddan 2017- Sagaal (9) kamid ah toogashooyinkaasi waxa lagu eedeyey arrimo la xariira basaasnimo, Halka inta kalena lagu soo oogay dambiyo kala gedisan oo ay ku jiraan Kufsi, isku-galmoodsho iyo qiyaano lacageed.

Sida maxkamadu sheegtay  Shanta (5) ruux ee la toogtay ayaa lagu eedeeyey inay basaasayeen Dhaq-dhaqaaqyada Ururka Al-shabaab, iyo inay raadineyeen helitaanka teleefan Nambarada madaxda sar sare ee ururka.

Maxkamadda ayaa sido kale sheegtay in mid ka mid ah ragga la toogtay qirtay inuu ku raad joogay helitaanka macluumaad la xariira halka lagu hayo askartii Kenyan ka ahaa ee lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde ka dhacay Bishii January ee Sanadii 2016.

Bishii August ayey eheed markii Ururka Al-shabaab ay toogteen mid ka mid ahaa askartii lagu qabtay dagaalkii Ceel-Cadde, laakin waxa weli la rumeesanyahay in kooxdani ay weli gacanta ku hayaan askar kale oo ay u heestaan madax furasho.

Wiilka da,da yar ee la toogtay maalinamiddii Axadda ayaa lagu magacaabay Jibril Saalax Xaaji Mohaxamed. Maxkamadda Kooxda al-shabaab ayaa ku eedeysay wiilkani yar inuu xiriir wada shaqeyn la lahaa ciidamadda Dowladda Soomaaliya muddo 3-dax Bilood ah.

mid ka mid ah eheladda  ragga la toogtay ayaa diiday in walaalkiis ahaa ruux basaas ah. Yoonis Aaden Hassan ayaa sheegay in Cabdi aziiz Ibraahim Mohamed, ahaa ruux aan waxba galabsan uuna lahaa gaari Xamuul oo ka dhexshaqeeya magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Sida uu usheegay idaacada VOA-da laanteda afka Soomaalifa, kooxda Al-shabaab ayaa gaariga marxuum cabdiaziiz qafaashay sanaddii 2014-ka, meel ku dhow tuulada Jimcadda ee gobolka Baay, iyagoo intaasi kadib marxuumka usheegay inuu soo doonto Gaarigiisa.  Waxa uu intaasi  intaasi ku daray in markii Marxuum AbdiAziiz Ibraahim Mohamed tegay tuulada ay xireen kooxda Al-shabaab Dibdambane aan warkiisa loo helin.

Xassan ayaa sheegay in eheladda marxuumku ka war heleen geeridiisa Shalay kadib markii la toogtay “ Ma aysan ogalaan in eheladda ay aastaan marxuumka oo ma siinin meydka, marka ma garaneeno sida uu udhintay” ayuu yiri Xassan, oo ka mid ah Maamulka Gobolka Baay. (Xigasho: VOA, 27-Diseembar, 2017)