23 March 2017: Maxkamadda sare ee Puntland ayaa soo saartay xukun dil ah oo shan (5) tuhmane oo Al-Shabaab ah iyo xabsi daa’in laba kale. Toddobadani ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah xukun ka dhacay maxkamadda millatariga Puntland 13-kii Febraayo, laakiin waxay racfaan ka qaadateen xukunka. Qoyskooda iyo qareenadoodu ayaa xukunka cusub u xaqiijiyeen Idaacadda VOA Somali Service. Toddobada eedeeysane ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen dilal Qorsheysan oo ka dhacay Boosaaso. Qareenadooda ayaa horay u sheegay in xukunkani yahay mid cadaalada ka fog oo uusan laheyn cadeymo sax oo la horkeenay maxkamadda. Labada wiil ee ka badbaaday ciqaabta dilka waa Da’yar, Maxamed Yaasiin Cabdi (17) iyo Daa’uudd Siciid Sahal (18) (Xigasho: VOA Somali)