15 March 2017: Xagjiriinta Al-shabaab ayaa Lug iyo Gacan midig ka jaray Labo nin dhalinyaro ah oo lagu eedeyey inay sameeyeen xatooyo Lacageed, koonfurta Gobolka Shabeelada Hoose. Labadan Dhalinyarada ah ayaa lagu kala magacaabay Cabdi Cali Maxamed, 25Jir, iyo Maxamed Xassan Cumar, 20Jir, ayaa xukukoodu ka dhacay tuulada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-shabaab ee Daaru Salaam. Dadweyne farabadan ayaa isugu soo baxay Goobta lagu fulinayey ciqaabta xun ee dhalinyaradan. Maxamed ayaa laga Gooyey lugtiisa Bidix isagoo ku eedeysnaa inuu wax ka xaday Dukaan; hore ayaa sidokale gacantiisa Midig looga gooyey eedeyn la xariirta xatooyo, Halka Cumar oo lagu eedeyey inuu xaday Dibi, ayaa gacanta Midig laga jaray. Xag-jirrinta Al-shabaab ayaa si naxariis darro ah u ciqaabay raga dhalinyarada ah, iyagoo ku eedeysnaa Xatooyo, maxkamad ay leeyihiin xag-jiriintu ayaa amarkaasi lagu fuliyey dhaliyarada soo saartay taasi oo ku eedeysay in raggaasi lagu helay Dembi Xatooyo ah. Goobaha ay Ururka Xag-jirka Al-shabaab Gacanta ku hayaan, ayey ka fuliyaan Ciqaabo isugu jira, Dil Toogasho, Karbaash iyo goysmo. (Xigasho: Garowe Online)