17/2/2019:

Maxkamad darajada 1aad ee gobolka Bari ee dowlada Puntland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah kasoo saartay dacwad ciqaabeed ka dhan ah afar eedaysane oo loosoo qabtay dilka ganacsade caan ah.

Marxuum Salaad Cali Diiriye [Cukaash] ayaa lagu dilay magaaladda ganacsiga Puntalnd todobaadkii hore, iyadoo dilkiisa ay  u adeegsadeen dhalinyarada qori AK-47, waxaana lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada amniga.

Garyaqaanka guud ee Maxkamada oo ku dhaawaaqay xukunka ayaa sheegay in ay qaateen markii ragga ay qirteen inay geysteen dilka, inkastoo ay ku doodeen in aanu ahayn ujeedkooda inay dilaan Cukaash.

“Waxay qirteen dilka balse waxay sheegeen in jeedkoodu ahaa inay dhac u geystaan”, ayuu yiri Garyqaanka, kaasi oo shaaciyay in gabi ahaanb afarta wiil lagu riday xukun dil toogasho ah.

Dhalinyarda uu xukunka ku dhacay ayaa magacyadooda lagu kala shhegay Cabdifitaax Axmed Xasan, Daahir Dalmar Saalax, Farxaan Saciid Yuusuf iyo Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud.

 

(Source: Garowe0nIine)