22 June 2018: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay saddex askari uu ku jiro askari dil u geystay xaaskiisa.
Saddexdan askari ee maanta xukunka dilka lagu fuliyay ayaa kala ah Cabdulahi Aasad Ismaaciil oo horey u dilay xaaskiisa Muxubo Maxamed Guure, Cabdirashiid Xassan Axmed oo horey u dilay marxuum Maxamed Cabdulahi Xirsi iyo Aadan Cabdi Muumin oo horey dil ugu geystay marxuum Cawil Colow Xassan.
Gaashaanle dhexe Sheekh Maxamuud Isxaaq oo ka mid ah garsooreyaasha maxkamadda racfaanka ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa ka hor inta xukunka aan lagu fulin saddexdan askari warbaahinta u sheegay in maxkamadda racfaanku ku raacday maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland xukunka ay ku riday ragaan, isagoo sheegay in uusan jirin racfaan ay qareennada iyo ehellada eedeeysaneyaasha ay ka qaateen xukunka maxkamadda.
Askartan ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ku taala galbeedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Saraakiil ka tirsan ciidaamda Jubbaland iyo ehelada askartan ayaa goob joog ka ahaa halka lagu fulinayay xukunkan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa askartaan ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay ku cadaatay inay dil geysteen.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo dil Toogasho ah ku fulisay saddex askari