6 November 2017: Kooxda mintidiinta Islaamiga Al-shabaab ayaa meel fagaaro ah ku toogtay Afar (4) Ruux oo rag ah kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku guda jireen howlo Basaasnimo ah dilka ayaa ka dhacay Koonfurta Soomaliya halkaasi oo gabaad u noqotay kooxda mintidiinta ah oo inta badan dhulbeered Koonfurta gacanta ku haya, inkastoo dowladdu wado dadaalo looga saarayo deeganadaasi.

“ Afartan nin waxa lasoo qabtay dhowr asbuuc kahor. Waxaana la toogtay maalin kadib markii ay maxkamaddu xukun ku riday, kadib markii ay sidoo kale qirteen dambiga lagu eedeyey” Mohamed Abdalla, Gudoomiyaha gobolada jubooyinka ee Al-shabaab ayaa sidaasi ku yiri Khadka teleefanka. “ Labo kamid ah waxay basaas u ahaayeen Dowladda Ethiopia halka Labada kalena basaas u ahaayeen Nabadsugidda Soomaaliya”. Toogashada ayaa ka dhacday magaalada Bu’aale oo ah magaalo madaxda jubbadda Dhexe, ayuu intaasi sii raaciyey. Gobolkani oo ku beegan dhanka Galbeed ee Caasimada . (Xigasho: AP0ayaa badidisa waxa gacanta ku haya ururka Al-shabaab