10-October 2017: Madaxweynaha Dalka Masar ayaa khadka teleefanka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Maxamed Abdullahi Maxamed (Farmaajo), iyadoo uu madaxweynaha Soomaaliya muujiyey sida uu ugu weyntahay taariikhda soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya, isagoo si aad ah uga mahadceliyey Dowladda Masar dadaalkeeda ku aadan in ay Soomaaliya gaarto deganaansho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidookale amaanay taageerada dhanka farsamada ah ee ay dowladda Masar siiso Soomaaliya. Iyo sidokale sida ay dowladda Masar u ilaaliso danaha Soomaaliya ee heer Gobol iyo mid caalami intaba.

Madaxweyne Elsisi ayaa intii telefanka lagu wada hadlayey asina diiradda saaray xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya Iyo Masar, isagoo carabaabay dadaalka Masar ay ugu jirto in Soomaaliya gaarto isku duubnaan iyo Madaxbanaani siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa muujiyey Hamiga Masar ee ah inay sii kordhiyaan qeybo kala duwan ee ku aadan xiriirka labadan wadan, isagoo xaqiijiyey in dowladda Masar sii wadi doonto taageerada Farsamo ee ay siiso dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib-u-eegis ku sameeyey isbedeladii hormarineed ee ugu dambeyeey ee arrimaha gudaha dalkiisa iyo sida ugu haboon ee lagu gaari karo amaan iyo degenaansho guud ahaan Soomaaliya, si xal looga gaaro caqabadaha hadda taagaan gaar ahaan hanjabaadka dhanka argagixisanimo. (Xigasho: SONNA)