25-kii Abriil 2017: sarkaal bilays ah oo lagu helay in uu diley nin rayid ah isla markaana dhaawacay laba kale magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa la toogtay kadib markii xukun maxkamadeed lagu riday. Isagoo kula hadley saxafiyiinta goobta Toogashada, ayaa sarkaal ka tirsan maxkamadda millatariga, Mumin Xuseen sheegay in ay Cali Burow askari bilays ah ku fuliyeen Xukunkan kadib markii lagu helay dambiga ah inuu diley qof shacab ah magaalada Xudur. (Xigasho: Goobjoog News)