7 November 2019: Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta oo Khamiis ah xukun Dil toogasho ah ku fulisay Rag ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Raggan toogashada lagu fuliyay ayaa gaarayay ilaa 5 ruux, kuwaasi oo muddo ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, waxaana laga soo qabtay deegaano ka tirsan Puntland.

Toogashada raggaan ayaa timid kaddib markii Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaankubaay ku rideen xukun dil ah.

Magacyada raga la toogtay, ayey maxkamaddu ku sheegtay Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah, Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah, Sheekh Cabdi Cabdulqadir Sheekh oo 22 jir ah, Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah, iyo Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah.

Si kastaba maamulka Puntland ayaa xukumo kala duwan horey ugu riday rag lagu inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish.

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Dil toogasho ah ku fulisay 5 Ruux