30 October 2019: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukunno kala duwan ku riday rag gaaraya seddax ruux.

Ugu horeyn Maxkamadda ayaa Cali Axmed Guure oo maqan iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ku riday xukun dil toogasho ah.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa saaka Cabdiraxmaan Sheikh Cilmi Cawaale oo ah guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ku riday xukun madaxaa haku furto ah (xabsi daa’in).

Seddaxdaas ruux ayaa loo heystaa ku lug lahaanshaha Qarax lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas ee gobolka Hiiraan, Allaha u naxariistee Rashiid Cusmaan Cabdi oo qarax miino lagu dilay 19-kii bishii 4aad ee sanadkan.

https://somsoon.so/rag-saaka-lagu-riday-xukunno-iskugu-jira-dil-iyo-xabsi-daain/