29 Luulyo 2019: Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee shanta Gobol iyo denbiyada Culus ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labo nin oo mid ka mid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka badda Puntland ee PMPF.

Askariga ayaa lagu eedeyey in uu fududeyey dilka maareyihii dekedda Boosaaso Paul Anthony Formosa.

Mahad Xasan Xusseen ayaa lagu “helay” inuu soo dhaweeyay ninkii ka danbeeyay dilkii maareeyihii Dekedda Boosaso ee shirkadda Dubai Port World u qaabilsanaa, sidoo kale waxaa maxkamadda laga hor sheegay inuu qirtay in “20 cisho uu gurigiisa ku hayay ninkii dilka geystay”, islamarkaana bistooladda wax lagu dilay uu “ku wareejiyay ninkaas”.

Sidoo kale, waaxda dacwad oogidda ayaa maxkamada ka hor sheegtay in Mahad “uu qeyb ka ahaa dilkii labo arday oo ka dhacay hoteelka Huruuse2 iyo weerarkii lagu qaaday saldhiga Bartamaha”.

Waxaa kaloo loo haystay Weerarro ka kala dhacay Saldhiga Minjir, Aqalka Dowladda Hoose iyo weerar lagu qaaday maqaayad oo lagu dhaawacay garsoore ka tirsan maxkamada sare ee Puntland.

Askari kale oo tirsanaa ciidamadda badda ee Puntland oo lagu magacaabaa Dable Cabdi Cali Xirsi, ayaa Maxkamadda waxa ay ku riday xukun dil Toogasho ah.

Waxay maxakammadda fursad u siisay inuu racfaan ku qaadan karo muddo bil ah gudaheed.

Sidoo kale maxkamaddu waxey Xukuntay 8 Qof oo kale oo loo heysto iney dilal & qaraxyo ka fuliyeen magaalada Boosaso

Maareeyihii Dekadda Boosaaso u qaabbilsanaa Shirkadda P&O ee DP World, ayaa la dilay 4-tii bishii Febraayo ee sannadkan. Dilkiisa waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka jasiiradda Malta ayaa waxaa uu dhashay sanandkii 1966, waxaa uu na wax kusoo bartay dalka Malta oo uu u dhashay. Waxaa uu bartiisa LinkedIn uu ku qoray in uu bartay maareynta dekedaha.

Sannadihii 2013-ka ilaa iyo 2016 waxaa uu kasoo shaqeeyay dekedaha dalka Sudan, halkaasi oo uu ka ahaa maareye ku xigeen, waxaana sidoo kale uu kasoo shaqeeyay dalal ay kamid yihiin Moroco, Imaraadka Carbata.

Paul ayaa sidoo kale ahaa tababare arrimaha dekedaha iyo maamule aqoon durugsan u lahaa howlaha dekedaha.

Intii u dhaxeesay bilihii Janaayo ilaa iyo Luuliyo ee sannadkii 2017-ka waxaa uu sheegay in uu kasoo shaqeeyay dalka Guinea, wixii intaa ka dambeeyay na waxaa uu bishii Agoost ee sannadkii 2017-ka uu ka shaqo bilaabay magaalada Bosaaso ee Soomaaliya, halkaasi oo uu uga shaqeynayay shirkadda maamusho dekedda Bosaaso ee DP World, kana ahaa maareyaha dekedda.

Xukkunkan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan, warbixin lagu qoray Wargeyska The New York Times lagu sheegay inuu hayo “cod telefoonka lagu duubay” oo ah wadahadal dhex maray safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo ganacsade aad ugu dhow amiirka Qatar.

 

Ninka Ganacsadaha ah ayaa safiirka u sheegay in “koox mintidiin ah ay qaadeen weerar Boosaaso ka dhacay,” oo ay sheegteen kooxda daacish, “si ay u meel mariyaan danaha Qatar oo ah in ay “meesha ka saaraan waddanka uu xifaaltanka kala dhaxeeyo ee Iimaaradka Carabta”.

“Qaraxa iyo dilka waan garanaynaa cidda ka dambaysay,” ayaa ku qoran wargeyska, hadalkaas oo laga soo xigtay Khaliifa Kayed Al Muhanadi, mar uu telefoonka ku hadlayey 18-kii May.

“Saaxiibadeen ayaa ka dambeeyey qaraxii u dambeeyey,” ayuu The New York Times ka soo xigtay codka la duubay ee Muhanadi oo “arrinta u xaqiijinayay safiirka”.

Wargayska ayaa si toos ah usoo xigtay hadal laga dhex maqlay codka sirta ah ee la duubay, wuxuuna ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Muhanad uu leeyahay “xasaradda ayaa looga gol lahaa in Dubai meesha looga eryo”, isagoo ula jeeday xarunta dhaqaalaha ee Imaaraadka. “Ha eryeen qolyaha Imaaraatka, si aysan ugu cusboonaysiin heshiisyada, waxaanan heshiisyada keeni doonnaa halkan Dooxa,”.

Xafiiska warfaafinta dowladda Qatar ayaa soo saaray hadal qoraal ah oo uu kaga jawaabayo eeddaas ayaa sheegay: “Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah Qatar, balse xukumadda Qatar ma farageliso arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya.”

“Xiriirka aan Soomaaliya la leennahay wuxuu ku saleeysan yahay ixtiraam iyo inaan iska kaashanno danaha labada dal oo waxtar u leh labada dowladood iyo shacabkooda”, ayaa ku xusan warka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in baaritaan ay ku sameyso warbixinta lagu qoray wargeyska NYT.

Wuxuuna Yiri: “Waxaan doonayaa inaan dowladda federaalka ka codsado waxa wargeyska The New York Times lagu qoray maqaal waxyaabo badan ka hadlaya oo ay u badan tahay iney heleen caddeymo cad oo warbixintaasi ay uga duulaan.”

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay “ku qanacsan tahay” jawaabta ka soo baxday dowladda Qatar ee ku aadan warbixintaas.