Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa manta oo Arbaco ah waxay dil  toogasho ku fusilay saddex rag oo lagu eedeeyay weerar ka dhacay magaaladda cassimada ah ee Muqdisho.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen duulaankii lagu beegsaday Huteel Naasa Hablood 2 ee ku yaala degmada Xamar-weyne, ayna mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin degan yihiin.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday qarax gaari oo xoogan iyo mid toos ah isla markaana dhcay 28-ka bishii October ee sanadkii 2017-kii ayaa yimid maalmo kadib dhacdadii Soobe.

Xubnaha saaka la toogtey ayaa waxaa lagu kala magacabaaa; Farxaan Maxamed Samatar, oo 21-jir ah, Cabdinasir Dhaqane Xasan, oo 19-jir ah iyo Abshir Maxamed Xaaji oo 21-jir ah.

 

Weerarkii Naasa Hablood 2 oo ay dusha saaraty mas’uuliyadiisa kooxda Al-Shabaab ee gacan-saarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa waxaa ku dhimatay 17 ruux,xii ay ku dhaawacmeen 47 kale.

Ciidamadda Ammaanka ayaa xiligaasi shhaca ka qaadey in saddex rag ay gacanka ku dhigeen iyaga oo isku dayaya in ay ka baxsadan huteelka oo ay saacado haysteen.

Xukunka dilka toogashadda ah ee lagu fuliyey ayaa waxaa garka loo geliyey 30-ka bishi May ee sanadkii hore 2018-kii, iyaga oo tan iyo xilligaasi ku jira xabsiga.

Mas’uuliyiinta lagu naf-gooyey dhacdadaasi waxaa kamid ah; Wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Madoobe Nuunow, kaasi oo ka tirsanaa xukuumadii madaxweyne Sharif Xasan Aadan iyo Xildhibaan Cabdinaarsir Garane.

 

https://www.garoweonline.com/so/news/somalia/rag-loo-haysto-weerar-ka-dhacay-muqdsiho-oo-dil-toogasho-lagu-fuliyey